Deeq A. Posted January 6, 2020 Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ka sameeyey xaafado ka mid ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysnaa ayaa waxaa lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo la tuhmayo, kuwaas oo haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Sidoo kale saraakiisha ciidanka Puntland ee Gaalkacyo ayaa sheegay inay sii socon doonaan howlgallada inta laga hortagayo falalka liddiga ku ah nabad galyada. Xalay ayey aheyd markii waqooyiga magaaladaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka isku dhafka ah ee ka howlgala halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites