Deeq A. Posted January 6, 2020 Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo ka sameeyay tuulooyin hoostaga magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka ayaa Ciidamadu waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen deegaanka Ceel Saliini iyo deegaanno kale oo hoostaga magaalada Marka, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey oo looga hortegayay weerarada Al-shabaab. Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidanka Dhulka korneyl Xassan Maxamed Abuukar ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid roondo ah oo Al-shabaab looga sifeynayay meelaha ay kaga sugan yihiin hareeraha waddooyinka iyo dhulka beeraha ah. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe waxay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites