Sign in to follow this  
Deeq A.

SHACABKA magaalada Muqdisho oo bilaabay inay ka durraantaan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Markii ugu horreysay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka bilaawday aqrinta Qur’aanka Durraamada ee laga aqristo dhibaatooyinka iyo mushkiladaha bulshada ku raaga.

Dhalinyaro is xilqaantay ayaa billaabay aqrinta Qur’aankaan, waxayna shalay isugu tageen duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Dhalinyarada ayaa noo sheegay, in ay u duceynayaan dhamaan dadkii xaqdarada loo dilay, sidoo kalane ay u duceynayaan dalka iyo dadka si looga gudbo dhibaatooyinka dalka ku raagay.

“Waxaa qaadanay go’aan aan ugu duceynayno dalka iyo dadka, si gaar ah dadkii lagu dhameeyay Ex Control Afgooye iyo kuwii kalaba” ayuu yiri qof kamid ah dhalinyarada kulankaan soo abaabulay oo la hadlay Caasimada Online.

Muqdisho oo ay ka dhacayaan dhibaatooyin ma hadha badan reebay ayaa dad badan waxay ku taliyeen in bulshada ay Allah u laabtaan islamarkaana la bilaabo duco iyo Qur’aan aqris si looga gudbo dhibaatooyinka dalka ragaadiyay.

Arrintaan ayaa ah taariikh cusub oo ay bilaabeen dhalinarada Muqdisho, hasa yeeshee lama ogo in ay sii socon doonto iyo in kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this