Deeq A. Posted January 6, 2020 Xil wareejinta, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Maareeyaha cusub ee Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka Soomaaliya Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf (Shube) ayaa maanta oo Isniin ah xilka si toos ah ugala wareegay maareeyihii hore Maxamed Abuukar Axmed (Ma’da). Xil wareejinta waxaa joogjoog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta. Wasiir Maareeye ayaa 11 bishii December 2019 xilkii ka qaaday Maareeyihii hore Golaha Murtida iyo Madadaalada Qarankan (Tiyaatarka) Maxamed Abuukar Axmed Ma’da, isagoona xilkaas u magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf (Shube). Shube oo ah Abaan caan ah ayaa horey u ahaan jiray Guddoomiyaha kooxda Hooballada Waaberi Puntland. PUNTLAND POST The post Abwaan Shube oo xilkii la wareegay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites