Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran oo shaacisay tallaabada ay ugu aargudi doonta dilkii Qasem Suleimani

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Iran ayaa markii u horraysay faahfaahisay nooca ay noqon doonto Tallaabada Aar-gudasho ee ay ka  qaadi doonto waddanka Maraykanka, kadib dilkii dilay Qasem Suleimani.

Lataliyha arrimaha milateriga ee hogaamiyaha Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishenka CNN ee dalka Mareykanka waxaa uu kaga hadlay tallaabada xigta ee laga fili karo Iran, kadib markii Mareykanka uu dilay Qasem Suleimani oo ahaa sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada ugu awoodda badan Iran.

Jeneraal Hossein Dehghan ayaa sheegay in Iran ay aargoosan doonta, ayna toos u bartilmaameedsan doonta “xarun milateri oo uu Mareykanka leeyahay”.

Lataliye sare Dehghan oo sidoo kale horay usoo noqday wasiirkii gaashaandhiga ee Iran ayaa sheegay in tallaabada xigta ay ka iman doonta Iran, balse aysan ahayn mid laga sugi doonaa kooxaha taabacsan ee ka dagaalama gobolka.

Waxaa laga yaabaa in la is yirahdo tallaabada xigta waa hawgal dadban ah, waxaan leenahay Trump annaga ayaad si toos ah inoo soo weerartay, annaga ayaana tallaaba toos ah kaa qaadi doona.”

Mareykanka ayaa waxaa bariga dhexe ka jooga ciidamo aad u tira badan, kuwaas oo kala joogaa dalalka Ciraaq, Sacuudiga, Urdun, Kuwait, Qatar, Imaraatka iyo Turkiga, waxaana dalka Ciraaq oo keliya ka jooga ciidan gaaray shan kun oo askari.

PUNTLAND POST

The post Iran oo shaacisay tallaabada ay ugu aargudi doonta dilkii Qasem Suleimani appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this