Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo sheegtay qarax lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa sheegtay qarax xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, oo lagu dhaawacay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Isku’dhafka ah ee gobolka Mudug.

Gaashaanle Cabdicasiis Faarax Maxamed Istakiin oo ka tirsan Ciidanka Isku’dhafka ah ee gobolka Mudug, ayaa lagu dhaawacay qarax fiidnimadii xalay ku haleelay xaafadda Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo , kadib markii gaarigiisa loogu sii xiray qaraxaasi.

Dhaawaca sarkaalka, ayaa durbadiiba loola cararay isbitaalka magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo weli lagula tacaalayo xaaladdiisa Caafimaad. Mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Mudug oo saaka la hadlay Puntland post ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee sarkaalka ay aad u wanaagsantahay.

Dhinaca kale, ma jirin cid kale oo khasaare ka soo gaaray qaraxa, oo lagu tilmaamay kuwa Rimuudka laga hago, marka laga reebo sarkaalka ciidan ee gaarigiisa loogu xiray oo isagu ku dhaawacmay.

Gaashaanle Istakiin, ayaa mudda dheer ka soo shaqeeyay Ciidamada Puntland, waxaana uu mar  soo noqday Dareewalkii khaaska ahaa ee AUN madaxweyne  Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo sheegtay qarax lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this