Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo kooxo Caafimaad u dirtay degaanka Saaxdheer ee gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland, ayaa sheegtay in ay kooxo caafimaad  udirtay , degaanka saaxdheer ee konfurta gobolka Sool, kadib markii  hallkaasi laga soo sheegay xanuan aan weli la aqoonsan oo dad badan soo ritay.

Wasaaradda ayaa tilmaantay, in iyada oo ka jawaabaysa xaladaha laga soo sheegay degaanka Saaxdheer, ay halkaasi u dirtay Koox Caafimaad,  si ay usoo qiimeeyaan ugana qayb qaataan hawlaha caafimaad ee loo qabanayo bukaanada jiifa  xarumaha Caafimaadka Saaxdheer.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ka soo xigatay Bahda Caafimaadka degaanka Saaxdheer, in  saddexdii casho ee la soo dhaafay ay qaabileen in ka badan 200 boqol oo bukaan ah, kuwaasi oo uu soo ritay xanuunka halkaasi  ka dillaacay.

Bukaanada Xarumaha Caafimaadka Saaxdheer jiifa,  ayaa waxa soo ritay xanuun  isugu jira Quffac, Shuban iyo Xummad, kaasi oo ilaa iyo hadda ay u dhinteen saddex ruux in ka badan 200 oo qofna ay u jiifaan goobaha Caafimaadka degaanka.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo kooxo Caafimaad u dirtay degaanka Saaxdheer ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this