Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare oo kulamo ka bilaabay degmada Buulo-Burte

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo gaaray degmada Buulo-Burte ayaa halkaasi si diiran loogu soo dhoweeyey.

Waare ayaa kulamo is daba joog ah ka bilaabay gudaha degmadaasi, kuwaas oo laga hadlayo xiisadda maamul ee ka taagan halkaasi.

Kulamadaan ayaa u jeedkoodu yahay, sidii xal looga gaari ahaa khilaafka dhinaca maamulka ee ka jira degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeya waxgaradka deegaanka iyo guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa shirarkaan qeyb ka ah wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Buulo-Burte.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay go’doonka ay kooxda Al-Shabaab galisay degmadaasi.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa qiray in dowladda federaalka iyo maamukiisuba ay ku fashilmeen in la furo waddooyinka ay jartay kooxda Al-Shabaab.

Buulo-Burte ayaa sanadihii ugu dambeeyey go’doon ku jirta, waxaana ku hareereysan dagaalyahannada Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya gobolka Hiiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this