Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaaa sheegaya in qarax gaari uu xalay ka dhacay xaafadda Siinaay ee waqooyiga magaaladaasi.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan ciidamada isku dhafka ah ee ka howgala Gaalkacyo, kaasi oo lagu magcaabo Cabdicasiis Istakiin.

Sidoo kale wararka ayaaa intaasi ku daraya in dhaawac culus uu soo gaaray sarkaalka, islamarkaana lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaalada degmadaasi.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaan, laakiin dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliya halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this