Sign in to follow this  
Deeq A.

Maareeye “Dowladnimadeenu waxay gaartay meeshii ugu sarreysay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay gaartay meeshii ugu sarreysay, islamarkaana la gaaray horumaro kala duwan.

Maareeye ayaa tilmaamay in laga gudbay rajo la’aantii jirtay, islamarkaana Soomaaliya ay dib ugu istaagtay cagaheeda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in inta badan la maareeyey dhibaaatooyinkii adkaa ee la soo maray, loona baahan yahay in hore loo socdo.

Ugu dambeyn wasiirka wafaafinta Soomaaliya ayaa ku baaqay in la taageero dowladda federaalka, si looga miro dhaliyo dadaallada hormarineed ee socda.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/maareeye-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this