Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo ka hadlay go’doonka ay ku jirto Buulo-Burte

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo gaaray Buulo-Burte ayaa ka hadlay dhibaatooyinka xoogan ee ka jira degmadaasi.

Waare ayaa tilmaamay in dowladdafederaalka iyo HirShabelle labaduba ay ku fashilmeen in go’doonka laga qaado degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale madaxweynaha HirShabelle ayaa kulamo xal raadin ka bilaabay magaaladaasi, kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf maamulka ah.

Kulamadaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Mudane, Maxamed Cali Caadle iyo mas’uuliyiin kale.

Hiiraan waxaa inta badan ku soo laa laabta khilaafaad salka ku haya dhinaca maamulka, kuwaas oo la dagay hormarkii laga sameyn lahaa gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this