Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka dhaxeeya weerarkii Al-Shabaab ee saldhigga Mareykanka iyo hanjabaaddii Iran?

Recommended Posts

Deeq A.   

Lamu (Caasimada Online) – Kadib weerarkii say Al-Shabaab ay shalay ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin degaanka Manda Bay ee Lamu, ayaa waxaa la is-weydiinayey suurta-galnimada ah in weerarkaas uu xiriir la leeyahay aargudashadii ay Iran ugu hanjabtay Mareykanka kadib dilkii Jeneral Qasem Soleimani,

Hase yeeshee, ma muuqdaan weli astaamo toos u xiriirinaya Al-Shabaab oo ah koox Sunni ah iyo Iran oo ah Shiico ah, sida uu sheegay Rashiid Cabdi, oo fallanqeeya arrimaha gobolka ah.

Rahsiid oo twitter soo dhigay qoraallo uu kaga hadlay weerarka ayaa sheegay inuusan wax shaqo ah ku lahayn xiisadda Bariga Dhexe, hase yeeshee waxa uu shaaca ka qaaday in sirdoonka Kenya ay dhowaanahan ka walaacsanaayeen in Iran ay isku dayeysay inay xiriir la yeelato Al-Shabaab.

“Al-Shabaab oo si furan u ah Wahaabi, ma ahan xulufo caadi oo Iran ay yeelan karto, kaaga daran’e waaba cadow. Hase yeeshee, haddii sheegashada Kenya ay run tahay, weerarka Al-Shabaab wuxuu kusoo aaday waqti wanaagsan si Al-Shabaab ugu baaqdo Iran inay diyaar u tahay isbaheysi xeelad ku dhisan” ayuu yiri Rashiid Cabdi.

“Al-Shabaab oo xiriir la yeelatao Iran, waa xaalad qarow ah. Waxay heli kartaa sare u qaadid la mid ah Xuutiyiinta, sida gantaallo, diyaarado drone ah, waxayna beddeli kartaa dagaalka Geeska Afrika” Ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey in Mareykanka uu baarayo haddii Iran ay xiriir la leedahay weerarkan, afhayeen u hadlay AFRICOM Col. Christopher Karn waxa uu yiri “Al-Shabaab waxay leedahay ajandaheeda gaarka, wayna caddeysay damaceeda ah inay weerarto danaha Mareykanka.”

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa tiri inuu qeyb ka yahay ololeheeda “Qudus Lama Yahuudeynayo”. Al-Shabaab ayaa sidoo kale horey u sheegtay in weerarkii ay bishii Janaayo 2019 ku qaaday moolka DusitD2 ee Nairobi uu qeyb ka ahaa ololahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this