Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta: Weerarkii Al-Shabaab ee Lamu

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxa Al-Shabaab ayaa Axadda maanta ah weerartay saldhig militeri oo ay isticmaalaan ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka oo ku yaalla gobolka Lamu ee Kenya, sida ay wakaaladda wararka AFP ka soo xigatay afhayeenka ciidamada dalkaasi.

Weerarkan lagu qaaday xeradan militeri ee ciidamada cirku isticmaalaan ee loo yaqaan Camp Simba ee Manda Bay oo u dhow xeebta loo dalxiis tago ee jasiiradda Lamu ayaa ah kii ugu danbeeyey ee kooxda Al-Shabaab ay ka gaysato dalka Kenya tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

Afhayeenka Ciidamada Kenya Colonel Paul Njuguna ayaa ku sheegay warsaxaafadeed uu subaxnimadii hore ee maanta soo saaray in kooxda Al-Shabaab ay isku dayday inay carqaladeyso amniga saldhigga Mandi.

Isku daygaasi waxaa looga hortagay si guul ah. 4 nin oo argagixiso ah ayaa ilaa iyo hadda aan meydkooda helnay. Xaruntan iminka waa goob nabad ah,” ayuu yiri Njuguna.

Sarkaalkan ayaa sheegay in uu weerarkani sababay dab ka kacay xaruntan ciidan kaasi oo saameeyey haamaha shidaalka ee halkaasi. Haatan ayuu sheegay in dabkii la xakameeyey.

Warbixin ay soo saareen ciidamada booliiska Kenya oo ay heshay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegeysa in weerarkan ay ku burbureen laba diyaaradood oo nuuca yaryar ah oo mid ay leedahay Kenya tan kalana ay Mareykanku lahaayeen.

Waxaa kale oo warbixintu sheegeysaa in laba diyaaradaha helekobtorrada ah iyo dhowr gaari oo ay Mareykanku lahaayeen ay ku burbureen weerarkaasi ka dhacay xerada militeri ee Manda Bay.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa warsaxaafadeed kooban oo ay soo saareen ku xaqiijiyay weerarkan.

Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu qirayaa in uu jiro weerar lagu qaaday xerada Manda Bay ee ciidamada Cirka ee Kenya, waxaanna la socon doonnaa xaaladda,” ayaa lagu yiri warkaasi ka soo baxay AFRICOM.

Warsaxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in warar hordhac ah oo weerarka ku saabsan ay sheegayaan in uu jiro waxyeello soo gaartay qalabkii ciidamada ee xeradaasi, “waxaana wali socda baaritaanka lagu xaqijinayo xaqiiqda waxa dhacay, waanna soo gudbin doonnaa marka ay faahfaahinnadu soo baxaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddoomiyaha degmada Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in kuwii weerarka soo qaaday dib loo celiyey, isaga oo intaas raaciyey in aanu hubin in qaar iyaga ka tirsani ay wali meesha ku harsan yihiin iyo in kale.

Ururka Alshabab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa warbixin ay soo saareen ku yiri “Waxaan si guuli ku jirto u weerarnay saldhig militari oo aad loo adkeeyey, haddana waxaan la wareegnay qeyb ka mid ah saldhigaas.”

Xigasho: VOA Somali

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta: Weerarkii Al-Shabaab ee Lamu appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this