Deeq A. Posted January 5, 2020 Maxkamadda darajada 1-aad ee G/Bari ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday siyaasiga Muuse Cali Jaamac iyo afar odayaal ah oo ku xirnaa Boosaaso. Xukunada ayaa isugu jiray xabsi iyo ganaax lacageed, kadib markii ay maxkamaddu sheegtay inay ku heshay kicin dadweyne iyo aflagaado. Siyaasiga caanka ah ee Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed ayaa saddexdoodu waxa ay maxkamadda Boosaaso ku xukuntay xabsi muddo saddex bilood ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500 oo Dollar. Sidoo kale maxakamadda ayaa laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1,000 ku riday Nabadoon C/casiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble. Guddoomiyaha maxkamadda oo ugu dambeyn ku dhawaaqay go’aankaan ayaa sheegay in weli xukunsanayaasha u furan yahay racfaan muddo bil ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites