Sign in to follow this  
Deeq A.

Filish oo guddoomiye u magacaabay Cabdicasiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filisha ayaa maanta guddoomiye cusub u magacaabay degmada Cabdicasiis.

Wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ayuu guddoomiyaha degmadaasi ugu magacaabay inuu noqdo, Mudane Mahdi Faarax Cabdulle.

Guddoomiyaha loo magacaabay Cabdicasiis ayaa bedalaya guddoomiyihii hore ee degmadaasi, Sabaax Cabdullaahi Asad oo ku geeriyootay Qaraxii xarunta G/Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa horay u magacaabay guddoomiyeyaasha Waabari iyo Shangaani oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ku dhintay weerarkii dowladda hoose ee Xamar.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this