Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la soo dhaafay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Dayac-Garoon oo hoos yimaada magaalada Dhoobley ee gobolkaasi.

Ugu yaraan illaa 3 qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 5 kale oo dhammaan shacab ahaa rayid, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka.

Ma cadda hadda heybta diyaaradaha fuliyey duqeyntaasi, balse inta badan Mareykanka iyo Kenya ayaa duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliya gobollada Jubbooyinka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this