Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Puntland oo adkeeyey amniga Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Puntland ay xoojiyeen amniga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada ayaa howlgallo cusub oo looga hortagayo falalka liddiga ku ah nabadgalyada ka bilaabay halkaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa kuwa ammaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka uu hayey sidii looga kortagi lahaa kooxaha dhaca ka geysta magaaladaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay dadka shacabka ah ee ku dhaqan waqooyiga Gaalkacyo ayaa ka cabanayey kooxo qooleysato ah oo habeenkii boob ugu geysta degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this