Deeq A. Posted January 5, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka aroortii hore dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen xero milatari oo ku taalla gobolka Lamu ee dalka Kenya. Weerarka oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamadii joogay saldhigga iyo sidoo kale raggii weerarka qaaday. Xerada la weeraray oo lagu magacaabo Simba ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa dowladda Kenya. Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarka ayaa sheegtay inay la wareegtay qeyb ka mid ah xeradaasi, sidoo kalena ay ku burburisay diyaarado dagaal, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Kenya oo ka hadashay weerarkaasi ayaa iyana sheegtay inuu bilowday abaare 5:30 daqiiqo ah, islamarkaana ay ciidamadu dagaal kala hortageen xubnihii soo qaaday duulaanka. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay wasaaradda difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay afar ka mid ahaa dagaalyahanno ka tirsanaa Al-Shabaab. Ugu dambeyn Mareykanka ayaa dhankiisa war ka soo saaray weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Lamu oo ay wax ka daganaayeen ciidamadiisa. Africom ayaa sheegtay in weerarka lagu beegsaday saldhig ay kulahaayeen halkaasi, inkastoo aysan shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana weerarkaani uu ku soo aadayaa, iyadoo muddooyinkii dambe ay Al-Shabaab kordhisay howlgalladeeda Kenya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites