Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Ka Dhacay Lamu

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar waxa ay ku qaadeen saakay waaberigii xerada SIMBA kuna taalla deegaanka Manda Bay ee gobolka Lamu.

Saldhiggan waxaa deganaa ciidamo Kenyan ah, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal aad u xooggan oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Waxaa dagaalkan ku dhintay ciidamo Kenyan ah, balse weli tiradooda inta ay la egtahay, lama shaacin, waxaana halkaasi ku gubtay gaadiid dagaal.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen in ay dileen in ka badan 20 ka mid ah ciidanka Kenya, balse weli faah faahin kale lama hayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this