Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xero ku taalla Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen xero milatari oo ku taalla deegaanka Lamu ee dalka Kenya.

Weerarka oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Kenya iyo sidoo kale raggii weerarka qaaday.

Xerada la weeraray oo lagu magacaabo Simba ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen ciidamo Mareykan ah oo tababar siiya kuwa Kenya.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, mana cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka ka horreeyey intaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this