Deeq A. Posted January 5, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen xero milatari oo ku taalla deegaanka Lamu ee dalka Kenya. Weerarka oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Kenya iyo sidoo kale raggii weerarka qaaday. Xerada la weeraray oo lagu magacaabo Simba ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen ciidamo Mareykan ah oo tababar siiya kuwa Kenya. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, mana cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka ka horreeyey intaba. View the full article Share this post Link to post Share on other sites