Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DFS Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in ciidanka DFS iyo kuwa maamulka K/galbeed ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

Deegaannada ay ciidanku la wareegeen ayaa ku dhow degmada Diinsoor ee gobolka Baay, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi.

Gaashaanle Dhexe Xasan Aadan Yarow, taliyaha ururka 54-aad ee guutada 60-aad ayaa sheegay in ulajeedkoodu uu ahaa mid la isugu furayey waddooyinka ay xirteen Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay xabsiyada Al-shabaab kasii daayeen kuwaasi oo u badnaa xoolo dhaqato.

Al-shabaab dhankooda weli wax war ah kama aanay soo saarin deegaannadan ay ciidanka dowladda iyo kuwa K/galbeed.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this