Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo war ka soo saartay weerarkii Al-shabaab ee saldhiga SIMBA

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Gaashaandhiga waddanka kenya, ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay kaga warbixisay, weerar saaka Al-shabaab ku qaadday saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Manda Bay ee gobolka Xeebta Lamu.

Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya, ayaa qoraalkaasi ku xaqiijisay in saaka abbaare 5:30 am Aroornimo  uu dhacay weerar isku day ah ,oo lagu soo qaaday saldhiga, balse ay iska caabiyeen ciidamada Kenya ee saldhigaasi ku sugan.

Wasaaradda ayaa sheegtay, in halkaasi lagu dilay afar kamid ah Argagixisadii weerarka soo qaadday, kadib markii si guul ah ciidamadu isaga caabbiyeen isku dayga weerar ee lala beegsaday saldhiga , sida ay hadalka u shigtay wasaaradda Gaashaandhiga waddanka kenya.

Dowladda kenya ayaa sidoo kale xaqiijisay, in weerarkaasi uu dhaliyay dab ka kacay Haamaha Shidaalka Kaydiya ee saldhiga yaallay, kaasi oo markii dambe la bakhtiiyay, laakiin aysan jirin wax khasaare kale ah oo halkaasi ka dhashay.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay, in dagaal-yahannadooda gudaha u galay Saldhiga ay burburiyeen agabkii militari ee yaalay xerada, oo ay ku jiraan diyaarado dagaal iyo gaadiid ciidan waxaana ay tilmaameen in weli dagaalku ka socdo gudaha saldhigaasi SIMBA.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Kenya oo war ka soo saartay weerarkii Al-shabaab ee saldhiga SIMBA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this