Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey weerarka lagu qaaday LAMU oo sii xoogeystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar saaka aroortii hore dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen xero milatari oo ku taalla gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Weerarka oo ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa xigan dagaal toos ah oo weli dhexmaraya raggii weerarkii qaaday iyo ciidamada Kenya.

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa soo bandhigtay sawirro laga soo qaaday gudaha saldhigga, kuwaasoo la arkayey uuro iyo qiic cirka isku shareeray.

photo_2020-01-05_09-19-00.jpg

Xerada la wareeray oo lagu magacaabo Simba ayaa waxaa sidoo kale ku sugan ciidamo Mareykan ah, kuwaas oo tababar siiya ciidamada difaaca ee dalkaasi Kenya.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarka ayaa sheegtay inay la wareegtay qeyb ka mid ah saldhigga, welina ay ka dhex dagaalamayaan xoggageeda.

Xaaladda ayaa kascsan, iyadoona weli uu socda howlgalka lagu soo afjarayo weerarka.

Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this