Deeq A. Posted January 5, 2020 Guddiga farsamada ee maamul u dhisida Galmudug ayaa la filayaa in maanta uu shaaciyo liiska 69 xildhibaan ee ka haray baarlamaanka cusub ee maamulkaasi. Xubnaha guddiga ayaa horay ugu dhawaaaqay 20-ka xildhibaan ee Ahlu Sunna laga siiyey baarlamaanka, kadib markii laga heshiiyey tabashada beelaha qaar. Xildhibaanada cusub ayaa haddii lagu dhawaaqo waxa ay guda geli doonaan howlaha doorashada, gaar ahaan tan guddoonka iyo mida madaxweynaha intaba. Wariyaha Idaacadda Shabelle, Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab) ayaa ka warbixiyey wararkii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Wareysi-Cali-Gaab.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites