Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo bil gudaheed afar jeer xaalad amni uga baaqday munaasabado ka dhacayay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya hadal heyn xoog leh oo ku aadan xaalado cabsi oo ku aadan magaalada Muqdisho, taas oo si weyn looga dareemay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa 3 jeer ka baaqday munaasabado ka dhacayay magaalada Muqdisho waxaana lagu sheegay cabsi amni, halka sidoo kalena uu Isbitaalada ku booqan waayay dadkii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadii dabaal dagga Booliska, Banaabixii ka dhacay Iskuul Buluusiya iyo shirkii Qorshaha 9aad ee Qaranka oo markii hore loo qorsheeyay in hoteel lagu qabto laakiin markii Madaxweynaha imaan waayay loo weeciyay Madaxtooyada, ayaa la sheegay in arrimahaas oo dhan ay sabab u tahay xaalado amni iyo cabsi ka taagan Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Isbitaalada ku booqan waayay dadkii ku dhaawacmay weerarkii ay Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, waxa uuna ugu tagay gudaha diyaaradii lagu qaadayay oo tiilay garoonka Muqdisho.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, ayaa sheegay in Madaxweynaha uu cabsi uga soo bixi la’yahay Madaxtooyada. Waxa uu sheegay inuu Isbitaalada ku booqan waayay dhaawacyada, sidoo kalena ka qeyb-gali waayey shirkii Qorshaha Qaranka ee 9aad, oo uu dalbaday in Madaxtooyada lagu qabto cabsi darteed.

Kaliya ma ahan Cabdiraxmaan Cabdishakiir dadka aarimahaan ka hadlay, hasa yeeshee siyaasiyiin iyo saraakiil Ciidan ayaa sheegay in Madaxweynaha uu wajahayo xaalad cabsi islamarkaana ay adagtahay in uu guto waajibaadka horyaalla.

Weerarkii lagu qaaday hotel SYL oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa u muuqda inuu shaki iyo cabsi xooggan geliyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cadbullaahi Farmaajo.

Weerarkaas, oo ay fuliyeen Shabaab ku labisan dharka ciidamada, ayaa horseeday in madaxweynuhu xitaa aamini waayo xildhibaanada iyo wasiirada dowladda, isaga oo amray inaysan ilaaladooda la iman karin madaxtooyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this