Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Ku Sugan Ciraaq Ugu Baaqay Inay Si Degdeg Ah Uga Baxaan Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Baqdaad)-Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa ku boorisay dhammaan muwaadiniinteeda inay si deg deg ah uga baxaan Ciraaq.

202014637137137227782278.jpg

Arrintaan ayaa timid ka dib markii Mareykanku duqeyn ku dilay Madaxii ilaalada kacaanka Iran Qassem Soleimani iyo taliyihii malleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis.

Xiisadaha sii kordhaya ee ka jira Ciraaq iyo gobolka, Safaaradda Mareykanka waxay ku boorisay muwaadiniinta Mareykanka inay si degdeg uga baxaan Ciraaq.

“Muwaadiniinta Mareykanka waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan duulimaad uga baxaan Iraq, haddii ay suurto gali weydana waa inay maraan safar dhulka ah oo ay ku tagayaan wadamada kale ” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay safaaarada Maraykanka ee baqdaad.

Iran ayaa wacad ku martay inay qaadidoonto tilaabooyin loogu aargudayo dilkii saraakiisheeda looga dilay gudaha Iraq, waxaana Maraykanku haatan galay feejigaan culus.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this