Deeq A. Posted January 4, 2020 Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta ansixiyey Heshiiska Damaanad Qaadka Maalgashiga Darafyada Badan. Xildhibaannada oo dood ka yeeshay heshiiskaan ayaa ansixiyay waxaana ogolaatay 139 mudane, waxaa diiday 1 Xubin halka 2 Xubnood ay ka aamuseen, sidaas ayuuna ansax ku noqday, sida uu ku dhaawaqay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya. Golaha shacabka ayaa maalmihii dambe laba jibaaray howlaha shaqo ee horyaalla, wuxuuna dhowaan ansixiyey miisaanadda 2020-ka iyo sharciyo kale oo muhiim ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites