Deeq A. Posted January 4, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay maanta ciidamada Kenya ka wadaan deegaano dhaca xadka Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqa dadka deegaanka, gaar ahaan isku socdka xadka ee labada dal. Wararka ayaa sheegaya in u jeedka howlgalladaan uu yahay sidii looga hortagi lahaa weerarada ay Al-Shabaab ka fuliso halkaasi. Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay u xoojiyaan amniga deegaanadaasi. Dhaq dhaqaaqyadaan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe ay kordheen weerarada jidgalka ah oo ay fuliyaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Inta badan waxa ay waxa ay weeraradooda la beegsanadaan gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites