Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoos u dhac ku yimid wax soo saarka beeraha HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Beeraha maamulka Hirshabeelle, mudane, Cali Xaaji Isgoowe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hoos u dhac uu ku yemid wax soo saarka beeraha.

Wasiirka ayaa tilmaamay in hoos u dhacaan ay keentay fatahaadda webiga Shabeelle uu ku sameeyay beeraha dowlad goboleedka Hirshabeelle,isagoo sheegay in haddii aan xal loo helin fatahaadda sannad walba webigu uu sameeyo ay tahay arrin adag oo khatar gelinaysa dalagyada ka soo go’a beeraha.

Ugu dambeyntii wasiirka Wasaaradda Beeraha Hirshabeelle ayaa dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ee wax haysta ugu baaqay in laga qayb qaato sidii xal loogu heli lahaa fatahaada soo laa laabatay, taas oo saamayn ku yeelatay beeraha iyo dadka Ku nool deegaanadaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this