Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Filish oo dhagax dhigay dhismaha suuqa Dayax

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay Suuqa Dayax ee degmada Heliwaa.

Dhagax dhigga ka dib guddoomiyaha oo ay la scdeen qaar ka mid ah maamulka gobolka,waxa uu kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay suuqaasi oo horey loogu iibin jiray nuucyada xoolaha , inkastoo uu qeyb ka noqday goobihii danta guud ee ku burburay qalalaasihii dalka ka dhacay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa kula dardaarmay bulshada in ay ilaashadaan goobaha danta guud ee muhiimka u ah adeegyada aasaasiga ah.

Dhanka kale duqa Muqdisho ayaa sheegay in xoolaha lagu iibiyo qeybaha kala duwan ee magaalada ay caqabad ku yihiin bilicda Caasimadda,sidaa daradeedna  marka la dhameystiro dib u dhiska suuqaan maamulku uu mamnuuci doono in xoolaha lagu iibiyo goob aan suuqaan aheyn.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

81624723_2461826754056069_9191048980568473600_n dayax Gudbadley Taliye Saney 81609729_2461826857389392_7594611861438332928_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this