Sign in to follow this  
Deeq A.

Xanuun aan weli la aqoonsan oo dad badan ku soo ritay Saaxdheer

Recommended Posts

Deeq A.   

2 ruux ayaa u geeriyootay, in ka badan 70 qof oo kalena waa soo ritay, xanuun ka dillaacay deegaanka Saaxdheer oo ku yaalla koonfurta gobolka Sool, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Caafimaadka ee degaankaasi.

Bahda Caafimaadka degaanka Saaxdheer oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xanuunka halkaasi ka dillaacay uu wato calaamado ay kamid yihiin Shuban, Xummad iyo qufac, balse aysan ilaa iyo hadda garaneyn waxa uu yahay.

Mas’uuliyiinta Xarumaha Caafimaadka Saaxdheer, ayaa sidoo kale sheegay in xanuunka oo si xawliya ku faafaya, uu soo ritay dad kala duwan oo ku nool deegaanka Saaxdheer iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan nawaaxiga Saaxdheer.

Madaxda xarumaha Caafimaadka Saaxdheer ayaa codsanaya in gurmad deg deg ah lala soo gaaro, xilli ay gabaabsi yihiin daawooyinkii iyo adeegyadii caafimaad ee xarumaha, islamarkaana bukaanno kala duwan soo gaarayaan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Xanuun aan weli la aqoonsan oo dad badan ku soo ritay Saaxdheer appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this