Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif: “Haddii aan la helin isbadal deg deg ah dalka halis ayuu ku jiraa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa weerar culus ku qaaday madaxda hadda hoggaanka u heyso Dowladda Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo ku sugan Magaalada London ee UK ayaa sheegay in maanta dalka uu baahan yahay isbadel maamul, islamarkaana laga doonaayo dadka Soomaaliyeed in ay hormuud ka noqdaan.

Shiikh Shariif ayaa ku baaqay in la badalo madaxda hadda talada heyso maadaama laga waayey karti hormarineed oo ay uga gudbaan xaaladda halista ah ee uu dalka hadda wajahayo sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ayaa tilmaamay in mustaqbalka Soomaaliya uu mugdi ku jiro loona baahan yahay inuu dhaco isbadal deg deg ah.

Sheekh Shariif ayaa dhanka kale xusay inay Al-Shabaab kordhiyeen weerrarada ka dhanka ah Shacabka sidaas darteedna loo baahan yahay in si wadajir ah loogu midoobo si dalka looga saaro.

Shiikh Shariif ayaa hadda hayo xilka Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, wuxuuna si weyn uga soo horjeedaa siyaasadda ay dowladda ku maamuleyso dalka.

Shiikh Shariif ayaa ku guuldarestay labadii doorasho ee ugu dambeysay ee Soomaaliya ka dhacday, waxaana middii hore kaga guuleystay Xasan Shiikh Maxamuud halka middii ugu dambeysay uu kaga guuleystay Madaxweyne Farmaajo oo hadda talada hayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this