Deeq A. Posted January 4, 2020 War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa looga hadlay weerar dhanka cirka ah oo diyaaradahooda ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka qeyb qaateen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, islamarkaana lagu beegsaday dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Africom ayaa xaqiijisay in weerarkaasi lagu dilay illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay sheegtay inay wado qiimeyn ku aadan, haddii uu jiro khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntaasi. Mareykanka oo ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka Al-Shabaab ayaa weeraro xagga cirka ah ka fuliya gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites