Deeq A. Posted January 4, 2020 Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa ka warbixiyey duqeyn ay diyaaradahooda ka fuliyeen deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose. Qoraal kasoo baxay taliskan ayaa lagu sheegay in weerarkan ay la kaashaadeen saaxiibadooda Soomaaliya, ayna bartilmaameedsadeen xubno Al-shabaab ah. AFRICOM ayaa sheegtay iney dileen Saddex ka mid ah saraakiisha Al-shabaab, balse magacyadooda ma aanay sheegin. Sidoo kale, AFRICOM waxay tilmaantay in aanay jirin cid rayid ah oo wax ku noqotey, weerarkaasi, sidoo kalena ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites