Sign in to follow this  
Deeq A.

Africom oo war cusub ka soo saartay duqeyntii Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Africom ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey duqeyn ay shalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen gobolka Sh/Hoose.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday duleedka degmada Afgooye lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaan oo ay ka qeyb qaateen ciidanka Soomaaliya khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Africom ayaa xaqiijisay in ugu yaraan saddex ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqeyntaasi, iyadoo shaacisay inay jirin waxyeelo ka soo gaaray dadka rayidka ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Mareykanka ee ah inuu duqeyntaan kaga dilay saddex xubnood.

Waa duqeyntii ugu horreysay oo uu Mareykanka sanadkaan cusub ee 2020-ka ka fuliyo gudaha dalka Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgalladooda ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana dhowaan saraakiisha dowladda ay shaaciyeen in Sh/ Hoose ay ku dileen ugu yaraan 30 ka tirsanaa kooxdaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this