Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran Oo Wacadd Ku Martay Inay U Aargudi Doonto Taliye Qassem Soleimani

Recommended Posts

Deeq A.   

Dilka taliyahii ugu sareeyay Iran ee Qassem Soleimani oo weerar cirka ah oo Maraykanku qaaday lagu dilay ayaa kiciyay mowjado cadho ah isla markaana keentay jawaab celin wadajirka iyo aargudashada marka loo eego kala qaybsanaanta siyaasadeed oo Iran ka jirtay.

Qassem Soleimani, ayaa ahaa Taliyaha Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Islamic Revolutionary Guard Corps ‘(IRGC) ee Quds Force, waxaanu ahaa nin saamayn ku leh gobolka, kaas oo xili hore oo shalay Jimcihii ah lagu dilay meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ee Baqdaad weerar duqeyn ah oo uu amray Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.

Hoggaamiyaha Sare ee dalka Iran Ayatollah Khamenei wuxuu amaanay Taliyaha la dilay, isagoo sheegay in loo aargudi doono. Waxaanu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah oo lagu sharfayo Soleimani, oo si weyn loo rumeysan yahay inuu yahay qofka labaad ee ugu awoodda badan Iran.

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa ku celceliyay halista aargudashada wuxuuna wacad ku maray in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto. Wasiirka Arimaha Dibada Javad Zarif ayaa dhalleeceeyay dilka “ficil argagixiso dowladeed” bayaan uu soo saaray

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this