Deeq A. Posted January 4, 2020 Wiil soomaali ah ayaa aabihiisa waxaa uu ku dilay dalka Jarmalka gaar ahaan magaalada Hamburg. Wiil Soomaaliga ah oo 17 sano jir ah ayaa Toorey u adeegsaday dilka Aabbihiis oo 57 sanno jir ahaa sida ay qoreen warbaahinta laga leeyahay dalka Jarmalka. Wiilkaan ayaa aabihiis la dhacay Toorey kadib markii uu soo kala dhexgalay muran xooggan oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu ka dhashay. Wiilkaan aabihiis dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Nuur Faarax Xuseen halka aabahiisna lagu magacaabi jiray Nuur Faarax Xuseen. Madaxa Booliska Magaalada Hamburg oo uu dilka ka dhacay ayaa sheegay inay weli wadaan baadhitaan ku aadan sida ay wax u dhaceen. Maalmihii dambe waxaa soo badanay dilka ay Soomaalida ka geysanayaan wadamada ay qaxootiga ku yihiin, waxaana hore u dhacay kiisas badan oo noocaan oo kale ah. Source Share this post Link to post Share on other sites