Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Ka Hadlay Sababta Ay U Dileen Qaasim Sulaymani

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Iyada oo laga cabsi qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu sheegay in sababta loo dilay Jeneralkii sare ee Iran ee Qassem Soleimani ay tahay in laga hortago dagaal ka dhaco Bariga Dhexe.

“Waxaan ficilkan u qaadnay inaan joojinno dagaal, uma qaadin inaan billowno dagaal” ayuu yiri Trump oo wax laga weydiiyey cabsida laga qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe.

Trump waxa uu sheegay in Soleimani uu qorsheynayey “weerar xun” oo ka dhan shaqaalaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayna ku qasbanaayeen inay ka hortagaan.

“Jeneral Qassem Soleimani waxa uu dilay ama si xun u dhaawacay kumanaan Mareykan ah, wuxuuna hadda qorsheynayey inuu kuwo hor leh dilo, balse waan ku qabanay” ayuu yidhi madaxweyne Donald Trump.

“Waxa uu sidoo kale si toos ama aan toos ahayn uga mas’uul ahaa dhimashada malaayiin qof, oo ay ku jiraan tiro badan oo banaan-baxayaal ah oo dhowaan lagu dilay dalka Iran.” Ayuu yidhi Trump.

“Muddadii argagixisanimo ee Soleimani waa ay dhammaatay” ayuu yidhi Trump.

Madaxweyne Donald Trumo waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka aanu dooneyn in taliska Iran la beddelo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this