Deeq A. Posted January 4, 2020 Wararka laga helayo degaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi Al-shabaab ku toogatay, saddex kamid ah dadka degaanka, kadib markii ay ku eedaysay basaasnimo. Saraakiisha ururka Al-shabaab ee gobolka Hiiraan, ayaa la sheegay in ay amar ku bixiyeen dilka saddex nin oo kamid ah bulshada degaanka Buq-Aqable ee gobolkaaasi, kadib markii ay ku eedeeyeen in ay basaasiin u yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya. Saddexda nin oo sida la xaqiijiyay kamid ahaa Xoola dhaqatada degaanka, ayaa lagu toogtay goob fagaare ah oo ku taalla degaanka Buq-Aqable, xilli ay daawanayeen dad la soo uruuriyay oo carruuri ku jirto. Al-shabaab ayaa sidaan oo kale marar kala duwan degaannada ay ka taliyaan ugu laayay dad rayid ah, oo ay sheegeen in ay basaasiin u yihiin dowladda Federaalka iyo dalal kale oo Shisheeye. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo dad shacab ah ku toogtay gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites