Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo dad shacab ah ku toogtay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo degaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi Al-shabaab ku toogatay, saddex  kamid ah dadka degaanka, kadib markii ay ku eedaysay basaasnimo.

Saraakiisha ururka Al-shabaab ee gobolka Hiiraan, ayaa la sheegay in ay amar ku bixiyeen dilka saddex nin oo kamid ah bulshada degaanka Buq-Aqable ee gobolkaaasi, kadib markii ay ku eedeeyeen in ay basaasiin u yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saddexda nin oo sida la xaqiijiyay kamid ahaa Xoola dhaqatada degaanka, ayaa  lagu toogtay goob fagaare ah oo ku taalla degaanka Buq-Aqable, xilli ay daawanayeen dad la soo uruuriyay oo carruuri ku jirto.

Al-shabaab ayaa sidaan oo kale marar kala duwan degaannada ay ka taliyaan ugu laayay dad rayid ah, oo ay sheegeen in ay basaasiin u yihiin dowladda Federaalka iyo dalal kale oo Shisheeye.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo dad shacab ah ku toogtay gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this