Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo sheegay in uu xubno ka tirsan Al-shabaab ku laayay koonfurta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Militariga Maraykanka ee Qaaradda AFRIKA ayaa ka warbixiyay duqeyn uu Jimcihii Shalay ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaanno AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya lagu dilay 3 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale qoraalka Maraykanka waxaa lagu sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan haddii ay jiraan dad rayid ah oo khasaare ka soo gaaray duqeynta halkaasi Al-shabaab lagula beegsaday.

Duqeyntaasi ayaa lagu tilmaamay middii u horraysay ee Militariga Maraykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya sannadkan 2020-ka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo sheegay in uu xubno ka tirsan Al-shabaab ku laayay koonfurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this