Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaakir oo bogaadiyey aqbalida xubnaha Ahlu Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Shaakir, ayaa soo dhaweeyay aqbalidda Xildhibaanada Ahlu Sunna.

Shaakir oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in uu u mahadcelinayo Guddiga Doorashooyinka oo ogolaaday xubnahooda.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu bogaadiyey doorka dowladda Soomaaliya ka cayaareyso dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Beesha Caalamka ayuu sidoo kale kaga mahad-naqay in ay kaalin muuqata ka qaadaneyso sidii loo heli lahaa Galmudug mid ah.

Sikastaba ha ahaatee, tiradda Xildhibaanadda Ahlu Sunna laga siiyey Galmudug ayaa gaareysa 20 mudane, waxayna ku heshay heshiis.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this