Deeq A. Posted January 3, 2020 Muqdisho (SMN) – Sheekh Mukhtaar Roobow oo in ka badan hal sano xabsi guri ugu jira Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay cunadii ka soomay. Qaar kamid ah eheladda afhayeenkii hore ee Al-Shabaab ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta ka dambeysa arrintaan oo taagan afar cisho ah. Qoyska Abuu Mansuur ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya in ay qaado talaabo kasta oo wax looga qaban karo xaaladda cusub ee soo korodhay. Roobow, oo horey u sheegay in uu isaga baxay Shabaab iskuna soo dhiibay Dowladda Soomaaliya, ayaa laga soo qabtay magaaladda Baydhabo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites