Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo sheegtay in ay dishay xubno Shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Ciidanka Kenya ayaa toogasho ku dilay afar ka mid ahaa Al-Shabaab, markii ay waddada u dhexeysa Mombasa iyo Laamu u galeen Bas siday shacab.

Isku duwaha Gobolka Xeebta, John Elungata, ayaa sheegay in ay Ciidankoodu ku guuleysteen dilka Afartaasi xubnood, mid kalana ay Gacanta ku dhigeen.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarka Baska ay ku dileen afar qof oo shacab ah, kuwaasoo ay sheegeen in ay Masiixiyiin ahaayeen.

Booliska Kenya ayaa xaqiijiyey in tirro kale oo rayid ah ay waxyeelo kasoo gaartey falkaas ooo dhacay subaxnimadii Khamiista ee todobaadkan aynu ku jirno haatan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this