Deeq A. Posted January 3, 2020 Dooxa (SMN) – Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qadar, ayaa ka warbixiyey xaaladda dhaawacyadii loo qaadey dalkaas. Illaa iyo 23 bukaano oo wax ku noqday qaraxii Al-Shabaab ee Ex-kontarool Afgooye ayaa loogu qaaday Qadar si ay u soo helaan baxbaano dheeraad ah. Mr Taano ayaa daboolka ka qaadey in dhaawacyadda loo qeybiyey Isbitaaladda kala duwan, isla markaana ay qaarkood xaaladooda soo fiicnaaneyso. Safiirka ayaa shaaciyey in ay ku dedaali doonan sidii bukaanadda u heli lahaayeen daryeel wanaagsan isla markaana uga war-qabi lahaayeen xaalkooda. Gabagabadii, qoysaska ay kasoo jeedaan dhaawacyadda ayuu u sheegay in ay wax wanaagsan rajeeyaan isla markaana aysan walwal badan gelin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites