Deeq A. Posted January 2, 2020 Booyad nooca biyaha qaada oo maraysay wadada Warancadde Road ayaa markii ay wax yar uun dhaaftay guriga siyaasi Cali Maxamed Warancaade ay booyadaasi dib u soo noqotay kadib markii wadahii booyadaasi uu awoodi kariwaayay in booyada joojiyo kadib markii uu bireegu u shaqayn waayay. Booyada oo qaarka danbe la gashay dayrka hore ee Warancadde ayaanay wax khasaare ahi ka dhalan, marka laga reebo burbur soo gaadhay dayrka hore ee aqalka Warancadde. Shilkani ayaa dhacay wax yar uun ka hor salaadii makhrib. Booyadani ayaa hadii ayna dayrka Warancadde gali lahayn oo sii haynlahayd wadada gaysan lahayd khasaare balaadhan xiligaasi oo ay wadadaasi ay dadku ku badnaayeen. Mudo kooban ayaa laga joogaa markii isla wadadaasi booyad soo taraartay ay gaysatay khasaare balaadhan oo dhimasho lahaa. Waxa jira baabuur badan oo tayadoodu ay aad u hoosayso oo magaalooyinka Somaliland ka dhex shaqeeya kuwaasi oo loo baahanyahay in wax laga qabto. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites