Deeq A. Posted January 2, 2020 Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), ayaa sheegay in uu Bulshada Soomaaliyeed la qeybsanayo xanuunka iyo murugada haysta. Cumar Filish, oo ka hadlayay bannaanbax ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aysan ka hari doonin kuwa Ciidamada iyo Ubadka Soomaaliyeed sidaa u galay. “Kama hari doonno kuwa Ubadkeenna iyo Ciidamadeenna sidaas u galay, waanan ka hadlay arrintaasi oo waxaan iri “ma ooyi doonnee waan aarsanaynaa. Dadka hantiilayaasha iyo ganacsatada ayuu sheegay in ay ogaadaan Lacagaha baadda ah ee laga qaado in lagu baabi’inayo Uabadkooda, wuxuuna ugu baaqay in ay iska diidaan dhaca ay ku hayaan Al-Shabaab. Guddoomiyaha ayaa sheegay in bur-burkii nagu dhacay ay u sahashay cadowga in ay Dalka Soomaaliya soo galaan, iskuna diraan Wiil iyo Waalidkiis, sidaa daraaddeedna loo baahan yahay wacyi gelin dheeraad ah, wuxuuna ballan qaaday in ay Shacabka ku saacidi doonaan ka hortagga Al-Shabaab. 28-kii Desembar 2019 ayay ahayd markii qarax xooggan oo galaaftan nolosha ku dhowaad 80 Qof ay Al-Shabaab ka geysatay Ex-Kontarool Afgooye, taas oo gil-gishay Quluubta Bulshada Soomaaliya iyo Caalamka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites