Sign in to follow this  
Deeq A.

“Diblumaasiyadda Cusubi Wax Kasta Jawaab Umay Haynin, Laakiin….” Ergayga Midowga Yurub Danjire Nicolas Berlanga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga, ayaa sheegay in xafiiska Midowga Yurub ka shaqaynayo isu soo dhawaynta dadka iyo in masuuliyiintu noqdaan kuwo ay dadkoodu la xisaabtami karaan.

Qoraal kooban oo uu danjire Nicolas soo dhigay bartiisa twitterka oo uu ugu tallo galay Soomaalida iyo sannadka cusub, wuxuu ku yidhi sidan “Diblumaasiyadda cusubi wax kasta jawaab umay haynin, laakiin waxa ay noqotay taayir gaadhsiiyey isbeddel togan.”

Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxa uu ka shaqeeyaa in uu dadka isu soo jiido, in uu dadeeyo kuwa gaarka u soocan iyo in uu taageero sidii ay masuuliyiintu u noqon lahaayeen kuwo ay muwaadiniintoodu la xisaabtami karaan.”

Wuxuu intaas ku daray “Waxa aanu diiradda saaray horumarinta nolosha iyo in aan laga takhalusin.. sannad wanaagsan dhammaantiin.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this