Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Al-Shabaab oo weerar dhimasho leh goor dhow ku qaaday bas marayey dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Lamu (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaaa lagu dilay weerar ay kooxda Al-Shabaab goor dhow ku qaadday bas marayey deegaanka Nyongoro ee Lamu ee dalka Kenya.

Saddex qof oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarka, sida uu xaqiijiyey madax booliska Lamu Count, Irungu Macharia.

Baska la weeraray ayaa ka yimid Mombasa, wuxuuna u socday Lamu.

Waxaa la hakiyey isu socodka dhammaan gawaarida isaga kala gooshta Lamu iyo Garsen, waxaana goobta lagu daad gureeyey ciidamada amniga iyo militariga.

Weerarkan ayaa yimid toddobaad un kadib markii Al-Shabaab ay 10 qof ku dishay qarax miino oo ay bas kale kula beegsatay deegaanka Kotulo ee dalka Kenya.

Wararka ku saabsan weerarkan ayaa weli isa soo taraya, naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this